Magacyada: 3 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo +SAWIRRO

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dib uga bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubbaland, iyadoona lagu doortay 3 Xildhibaan.

Doorashadan oo ahayd mid aan lagu tartamin ayaa xubnaha la doortay waxay 2 ka mida yihiin haween, waxaana qaab gacantaag ah ugu coddeeyay ergadii loo soo xulay inay Xildhibaanada doorato.

Kursiga 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP132 ayaa waxaa ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Cadar Xareed Jibriil, ka dib markii ay u tanaasushay gabar kale oo lagu magacaabo Ifraax Cabdikhani Yuusuf.

Kursigii 2aad ayaa waxaa ku guuleystay Saadaq Cabdullaahi Cabdi, markii uu tartanka doorashada ka haray musharax lagu magacaabo Cabdullaahi Aadan Ibraahim. Saadaq Cabdullaahi ayaana ku guuleystay kursiga #HOP092.

#HOP023 ayaa waxaa ku guuleysatay Nasra Mahdi Caraale, taasoo ay u tanaasushay gabar lagu magacaabo Sahra Cabdi Cilmi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland, Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kuraastan.

Tani ayaa tirada guud ee kuraasta Golaha Shacabka ee la doortay ka dhigeysa 157 kursi, oo 36 ka mid ah ay dumar ku soo baxeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com