Ninkii Dahabo Cumar ku dilay dalka Malaysia oo maxkamad la soo taagay

Maxkamad ku taala Magaalada Kuala Lumpur ayaa saaka bilowday dhageysiga dacwadda loo haysto nin ku eedeysan inuu dilay gabar Soomaaliyeed oo Axaddii la soo dhaafay lagu dilay magaaladaasi.

Xeer Ilaalinta dalkaasi ayaa ninkaasi oo aan magaciisa Warbaahinta lala wadaagin ku eedeysay inuu dilka Dahabo Cumar u adeegsaday toorey, sida ku cad muuqaalada ay kaamirooyinka duubeen iyo weliba baaritaanadii la sameeyay.

Kusimaha Safaaradda Somaliya ee Malaysia, Amaal Maxamed Saciid (Hogaamo) oo ka qaybgashay dhageysiga maxkamadaynta ninkaasi ayaa sheegtay in kiiskiisa loo wareejiyay maxkamadda sare ee dalkaasi, taa oo 9-ka bisha May bilaabi doonto dhageysiga gar maqalka dacwadiisa.

“Waxaa haatan soo geba-gaboobay dhageysiga eedeymaha loo haysto eedeysanaha, waxaana loo ballamiyay 9-ka bisha May in maxkamadeyntiisa ay ka bilaaban doonto maxkamadda darajada sare ee wadankan.” Ayay tiri Amaal Maxamed.

Amaal Maxamed ayaa tiri “Eedeysanaha markii la keenayay waan joognay oo goobta ayaan ku sugnayn, waxaana dhageysiga dacwadda nooga qaybgalay wiil ka mid ah ehelada Dahabo Cumar.”

Waxa kaloo ay tiri “Marxuumadda waxaan aasi doonnaa abaaraha 2-da duhurnimo ee maanta, ka dib marka Salaadda Jimcaha laga soo baxo, waxaana loo samaynayaa aas ay ka soo qaybgelayaan dhammaan Soomaalida ku dhaqan dalkan iyo Safaaradda Somaliya.”

Amaal Maxamed ayaa intaasi ku dartay “Waxaa maanta farxad iyo guul ah in Dahabo aaskeedii iyo maxkamadaynta ninkaasi ay isku soo beegmaan.”

Alle ha u naxariistee Dahabo Cumar oo 20 jir ahayd, kaarka qaxootigana ka haysatay Hay’adda UNHCR ayaa noqonayso gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee lagu dilo dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com