Weerarkan ayaa lagu qaaday maqaaxi ku taala Bartamaha Magaalada Beledweyne oo lagu magacaabo Xasan Dhiif, waxaana weerarka lagu soo beegay, xilli dad badani ay fadhiyeen maqaaxidaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof xirnaa jaakadda walxaha qarxa ka sameysan uu maqaaxida soo galay, ka dibna uu is qarxiyay, xilli dadka maqaaxida fadhiyay ay ku jiraan dad caan ka ah magaalada.
Goobjoogayaashu waxay kaloo sheegeen inay arkayn meydad badan oo daadsan maqaaxida iyo hilbaha dadka qaarkood oo ku dhegan darbiyada maqaaxida.
Maqaaxidan ayaa ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, waana mid ka mid ah maqaaxiyadaha ay aadka ugu shaahaan dadka reer Beledweyne, mararka qaarkoodna ay fadhiistaan masuuliyiinta gobolka iyo kan degmadaba.
Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka shan iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.
Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Beledweyne, Dr. Saleebaan Cabdi ayaa sheegay in isbitaalkooda la soo gaarsiiyay meydadka toban qof iyo dhaawaca shan iyo toban kale.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada qaarkood ay aad u culus yihiin, haatan ay wadaan qaliino ay xaaladooda kula tacaalayan.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dadka ku waxyeeloobay ismiidaamintaasi ay ku jiraan dad xilal ka hayay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, xubno ka tirsan Maamulka Degmada Beledweyne, dhakhaatiir iyo weliba qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya hay’adaha ka hawlgala magaalada.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa looga bartay Ururka Al Shabaab.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Axadda berrito ah la filayo in magaalada ay ka bilaabato Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com