Fahad Yaasiin oo galabta gaaray Magaalada Beledweyne

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Fahad Yaasiin oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Ciidamada Gorgor iyo Haramcad oo ka yimid Xerada Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Lama Galaay ayaa xiray wadooyinka soo gala garoonkaasi, intii uu ka soo degayay Fahad Yaasiin.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Fahad Yaasiin ku soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Khaliif.

Fahad Yaasiin ayaa u sharaxan kursiga #HOP086, kaas oo doorashadiisa berrito lagu wado in lagu qabto Magaalada Beledweyne. Illaa 6 kursi ayuuna qorshuhu yahay in Axadda lagu doorto magaaladaasi.

Fahad Yaasiin iyo Guddiga Doorashada Hirshabelle, waxa ay labaduba dhegaha ka fureysteen warkii Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, ee sheegayay in la hakiyay doorashada kursigaasi, sababo ku aaddan cabasho ka timid odayaasha beesha iska leh kursigaasi.

Kursigan ayaa ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee isha lagu hayo, isla-markaana uu baaqa badani hareeyay.

Safarka Fahad Yaasiin ee Beledweyne ayaa ku soo aadaya, saacado yar uun ka dib, markii qarax dad badani ku dhinteen uu maanta ka dhacay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com