Fahad Yaasiin oo la guddoon-siiyay shahaadada musharaxnimada ee Golaha Shacabka

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa caawa shahaadada musharaxnimada ee Golaha Shacabka guddoon-siiyay musharaxiin uu ka mid yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Musharaxiinta shahaadada la guddoon-siiyay ayaa u tartamaya kuraasta kala ah #HOP008, #HOP015, #HOP074, #HOP086, #HOP109 iyo #HOP274, kuwaa oo berrito doorashadoodu lagu qaban doono Magaalada Beledweyne.

Kursiga #HOP086 waa midka uu adka u daneynayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana kursiga uu haatan ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com