Khasaaraha ka dhashay qaraxii Beledweyne oo kordhay

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne, iyadona ay korodhay tirada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Nin ismiidaamiye ahaa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Xasan Dhiif, xilli ay fadhiyeen dad isugu jira masuuliyiin iyo rayidba, dad badanina ay ku dhinteen.

Afhayeen u hadlay Booliska Beledweyne ayaa sheegay in saddex iyo toban qof ku dhimatay qaraxaasi, dhaawacuna uu aad u badan yahay, sida uu yiri.

“Meeshaan maanta dad badanaa ku dhamaaday. Maqaayad uu shacab leeyahay, oo dadka shacabka ay aad u fadhiisan jireen ayay maanta nimankii dhagarqabayaasha ahaa ay ku lahaayeen dad ay ugu soo galeen maqaayadda.” Ayuu yiri Sarkaalkan.

Waxa uu intaasi ku daray “Wixii xaqiijin iyo gadaal ka soo baxo waan soo sheegi doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.”

Maamulka Isbitaalka Guud ee Beledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in la soo gaarsiiyay dhaawacyada sideed iyo toban qof, kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus qaba.

Dadka ku dhintay qaraxan ee magaalada laga garanayay ayaa waxaa laga xusi karaa Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdirashiid Sheekh Cali, Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Beledweyne, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Kaynaan), musharax Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Nuur, musharax Xildhibaan Dayib Qanyare Ibraahim, Dr. Mustaf Rashiid oo bahda caafimaadka ee magaalada ka mid ahaa, Dr. Maxamed Dhaqane Cabdullaahi oo ka mid ahaa dhakhaatiirka qaliinka ee magaalada iyo Dr. Maxamed Cismaan Macow oo bahda waxbarashada ka mid ahaa.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo dhaawac culus oo soo gaaray ayaa la geeyay Isbitaalka Ciidanka AMISOM ee deegaanka Ceeljaalle.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda ismiidaaminta ka dhacday Magaalada Beledweyne, sida ay tebisay Idaacadda Andalus oo afka ururkaasi ku hadasho.

Qaraxan ayaa noqonaya mid ka mida qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, waxaana uu ku soo aadaya, xilli berrito lagu wado in 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka lagu doorto magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com