Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi oo ku geeriyooday ismiidaamintii Beledweyne

Siyaasiyiga lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Nuur ayaa la soo sheegaya inuu ka mid noqday dadka ku geeriyooday ismiidaaminta maanta ka dhacday Magaalada Beledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Nin xirnaa jaakadda walxaha qarxa ka sameysan ayaa beegsaday maqaaxida Xasan Dhiif, xilli dad badan oo masuuliyiin ay ku jiraan ay ku shaahayeen maqaaxidaasi.

Maxamed Cabdullaahi Nuur ayaa ahaa musharax Xildhibaan oo haatan u tartamayay kursiga #HOP003, isagoona lagu tirinayay mid ka mid ah xubnaha ugu cadcad kursigaasi.

Dadka kale ee qaraxaasi ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdirashiid Sheekh Cali iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Beledweyne, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Kaynaan).

Inta la xaqiijiyay toban qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka shan iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa looga bartay Ururka Al Shabaab.

Berrito waxaa lagu wadaa in Beledweyne ay ka bilaabato Doorashada Xildhibanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com