Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT).

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhinacyadan kala hadlay cabashada ka timid doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood, oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, kuwaa oo kala ah:

FEIT

1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan

SEIT Banaadiriga

4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, La taliyaha Sharciga ee Ra’iisal Wasaaraha

Guddigan ayuu Ra’iisal Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka iyo in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ugu soo gudbiyaan talo iyo warbixin ku aaddan arrimaha cabashadu ka taagan tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com