Madaxtooyada Somaliya ayaa iska fogeysay inay wax ka ogtahay heshiiska uu Wasiirka Batroolka Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed sheegay inay la galeen Shirkadda COASTLINE EXPLORATION LTD.
Wasiirka Batroolka ayaa caawa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inuu saxiixay heshiiskan, isla-markaana uu ku gacan-siiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa “Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood oon la galnay COASTLINE EXPLORATION LTD. Waa guul u soo hooyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyay, iguna tirtirsiiyay dhammaystirka hawshan.”
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo warka Wasiirka lagu beeniyay ayaa u qornaa “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021, taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqangal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiiyay Wasiirka Batroolka.
Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.
Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com