Guddiga Doorashada Hirshabelle oo shaaciyay 7 kursi oo lagu dooranayo Beledweyne

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa caawa shaaciyay doorashada 7 kursi, oo doorashadooda maalmaha soo socda lagu qaban doono Magaalada Beledweyne.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP003, #HOP006, #HOP022, #HOP031, #HOP032, #HOP068 iyo #HOP252.

Tani waxay ku soo aadaysaa, saacado uun ka dib, markii maanta Mgaalada Beledweyne lagu doortay 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Beledweyne oo ah deegaan doorashada 2aad ee Hirhabelle ayaa waxaa yaala 25 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com