Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in doorashada la carqaladeynayo

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa walaac ka muujiyay tallaabada mar kale lagula wareegay barrihii ay sida tooska ah ugu soo gudbin jireen warbixinada la xiriira doorashada dalka.

Tani ayay ku tilmaameen masuuliyad darro iyo mid la doonayo in lagu carqaladeeyo habsami u socodka doorashada.

Qoraal ay ku saxiixnaayeen Gudoomiyaha Guddiga, Gudoomiye Kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga ayaa lagu ogeysiiyay ummadda Soomaaliyeed in wixii la soo geliyo barrahaasi ay waxba kama jiraan yihiin, illaa iyo inta dib looga soo celinayo gacantooda.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan inta daneynaysa doorashada dalka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in mar kale lala wareegay dhammaan barrihii uu guddiga doorashadu lahaa, sida Website, barraha bulshada Twitter iyo Facebook, taasoo muujinayso masuuliyad darro iyo in lagu carqaladeeyo doorashada dalka.

Haddaba waxaan caddeynaynaa in wixii la soo geliyo inta dib loo soo celinayo ay yihiin waxba kama jiraan. Xogaha doorashada waxaan ku soo gudbin doonnaa shirar jaraa’id, wareysiyo iyo wixii lamid ah.”

Guddigu ma caddeynin cidda kala wareegtay barrahaasi, Warbaahinta ayaase fahamsan in weerarkaasi ay la kulmeen, ka dib markii uu guddigu shaaciyay in la hakiyay doorashada kursiga #HOP086, oo maanta uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad Yaasiin iyo Guddiga Doorashada Hirshabelle, waxa ay labaduba ka dhego fureysteen warka Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com