Wasiirka Gaadiidka Somaliya oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM, Francisco Madeira.

Wasiirka oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ayaa kala hadlay, sidii loo xoojin lahaa amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa sidoo kale Francisco Madeira kala hadlay dedejinta dhismaha Parking-ka gaadiidka ee garoonka, oo Wasiirku uu dhawaan dhagax-dhigay.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo AMISOM ay dhowr jeer cabasho ka muujisay Madaxda Dowladda Federaalka ee hubka la gasho garoonkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com