Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo qabtay doorashada kuraastii ugu dambeysay

3-dii kursi ee ugu dambeysay ee kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mida kuraastaasina ay qof dumar ah ku soo baxday.

Doorashada oo ka qabsoomtay Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ayaa kursigii ugu horeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP243 waxaa ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Samsam Muxumed Cumar.

Kursigii xigay oo tirsigiisu ahaa #HOP206 ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Cabdi.

Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa noqday Xildhibaankii ugu dambeeyay ee maanta lagu doorto Caasimadda Muqdisho, ka dib markii uu ku guuleystay kursiga #HOP259.

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa soo geba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland, oo 46 kursi ka kooban.

Guddigan ayaa noqonaya guddigii doorasho ee ugu horeeyay ee soo geba-gabeeya doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, xilli ay 25-ka bishan ku egtahay muddada lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com