Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Qardho, xalayna waxay ku hoydeen Degmada Carmo, iyadoona la filayo inay uga sii gudbaan dhinaca Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa magaaladaasi u tagaya arrimo ugu muhiimsan doorashada dalka, oo dhawaan lagu wado inay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka.

Boosaaso oo ah deegaan doorashada 2aad ee Puntland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Socdaalka Deni ee Boosaaso ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay magaaladaasi ku soo badanayeen qaraxyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com