Ruushka oo baqdinta ku kordhiyay Wadamada Reer Galbeedka

Ruushka ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqiisa ciidan ee uu ka wado xuduudda Ukraine, iyadoona Reer Galbeedku ka baqdin qabaan inay tani soo dedejiso duulaankiisa ka dhanka ah dalkaasi.

Militariga Ruushka iyo Belarus ayaa loo kordhiyay muddada ay dhoola-tuska ka sameynayaan meel u dhow xuduudda ay dalalkaasi la leeyihiin Ukraine.

Wasiirka Gaashaandhigga Belarus, Viktor Khrenin ayaa ku dhawaaqay go’aanka muddo kordhinta ee dhoola-tuska labada ciidan, ka dib go’aan sida uu sheegay ay gaareen madaxda dalalkaasi.

“Ka dib go’aan ay gaareen hoggaamiye-yaasha labada dal waxaa sii socon doonto hubinta tayada ciidamada iyo dhoola-tuskooda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Taliska Ciidamada Jamhuuriyadda Belarus iyo dhiggiisa Ruushka waxay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah, oo yoolkoodu yahay in looga baaqsado dagaal dhaca.”

Waxa kaloo uu sheegay in mar kasta oo ay kulmaan hoggaamiye-yaasha labada dal ay ka wada hadlaan, sidii looga baaqsan lahaa suurtagalnimada dagaal dhaca, ha yeeshee aanay Reer Galbeedku dhageysan waxa ay u sheegaan.

“Labada Madaxweyne mar kastoo ay kulmaan waxa ay ka wada hadlaan, sida looga baaqsan karo dagaal. Ma doonayno colaad, balse dhanka kale ma dhageystaan waxa aan u sheegno, waana sababta aan u diyaarinayno ciidamo u jawaabi kara, haddii loo baahdo.” Ayuu yiri Viktor Khrenin, Wasiirka Difaaca ee Belarus.

Tani ayaa loo fasirtay mid kordhin karta cabsida badan ee laga qabo in Moscow ay qorsheynayso duulaan ay xilligan ku qaaddo Kiev.

Ukraine oo xuduud dheer la wadaagto Belarus ayay kol hore Wadamada Reer Galbeedku sheegeen in Ruushku uu raadinayo marmarsiyo uu ku weeraro Ukraine.

Maalmo ka hor ayay ahayd, markii dhiilo ay ka soo korortay jiidda hore ee Bariga Ukraine, ka dib madaafiic ay is weydaarsadeen Ciidamada Ukraine iyo xoogaga gooni-goosadka ee Ruushka uu taageero.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com