Booliska Jubbaland oo ka hadlay qaraxa lagu dilay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed

Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland, General Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo, ee lagu dilay Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo ka mid ahaa Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku taala xaafadda Calanley ayaa waxaa gaaray ciidamada amniga, oo ka sameeyay baaritaano ku aaddan fal dembiyeedkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa baaritaankaasi ka dib sheegay in gaari ay la socdeen dad shacab ah ay kooxaha argagixisada ku xireen qarax, bartilmaameedkuna uu ahaa sheekha.

“Waxay wax u dhaceen waqtigii Salaadda Duhurka laga baxay ayaa gaari ay wateen niman shacab ah waxay nimankii dhagarqabeyaasha ahaa ugu dhejiyeen qarax. Nin Culimo ah oo Culimada Kitaabada akhriya ahaa uun baa koley loola dan lahaa, marka laba dhaawac ah iyo sheekhaas ayaa ku geeriyooday qaraxa.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in afar qof ku dhaawacantay qaraxaasi, waxa ay xaqiijiyeena uu yahay dhaawaca labadaasi qof.

“Dhaawaca waa laba qof oo hadda isbitaalka taalo, marka hore waa afar baa dhaawaca nalagu yiri, laakiin hadda xaqiiqdu waxay noqotay waa laba dhaawac ah.” Ayuu yiri General Xujaale.

General Xujaale ayaa yiri “Ma jiraan wax dhimasho ah oo isbitaalka ku geeriyooday, labadii dhaawaca ee la geeyay, nin baa wa-xoogaa dhaawiciisu aad u culus yahay, ninka kalena aad buu u fiican yahay.”

Jananka ayaa intaasi raaciyay “Masaajid bay ka wada baxeen, koley xaafad bay ku socdeen, intii ay Masaajidka ku jireen baa laga faa’iideystay oo qaraxa loogu dhejiyay.”

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa xilligan Magaalada Kismaayo u tegay, si uu daruus diini ah u siiyo arday wax ka barata magaaladaasi.

Sheekh Cabdinaasir oo fadhigiisu ahaa Magaalada Laascaanood ayaa si weyn u dhaliili jiray dagaalka ay maleeshiyada Al Shabaab ka wadaan dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com