Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay dilka Sheekh Cabdinaasir Xaaji loogu gaystay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Sheekha iyo dad kale oo la socday ayaa qaraxan lagula eegtay xaafadda Calanley, wax yar uun ka dib, markii ay ka baxeen Masaajid ay Salaaddii Duhurka ku soo tukadeen.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariisto walaalkeen Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray.

Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummadda Soomaaliyeed oo dacwadda iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida, isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada.

Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay, anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com