Magacyada: 5 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo +SAWIRRO

5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Xubnaha maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo dhammaantoodba waxaa weeye rag.

Xildhibanaadan ayaa kala ah Cabdirashiid Maxamed Xidig, Mowliid Cabdi Maxamuud, Cumar Yuusuf Qaladiid, Maxamuud Muxumed Kuulow iyo Cabdulqaadir Maxamed Wacays.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland, Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com