Xaaladdii ugu adkeyd oo ka jirta Magaalada Xudur

Xaalad biyo la’aan ah ayaa laga soo sheegaya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ka dib markii ceel biyoodyadii magaaladaasi ay gureen, sababo la xiriira abaaraha ka jira qaybo ka mida dalka.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli magaalada ay sanadahaanba wajahaysay sicir barar xoog leh, oo ka dhalatay go’doominta ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona Maamulka Koonfur Galbeed uu ku guuldareystay inuu dib u furo wadooyinka magaaladaasi, waana xilli magaalada ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo barakaceen dad ay saameysay abaarta.

Sheekh Cali Ibraahim Maxamed oo ka mid ah Imaamyada Masaajidda ee Xudur ayaa sheegay in dhibaato daran ay ku soo korortay magaalada, oo ah biyo la’aan iyo barakacayaal ka soo barakacay Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

“Aad iyo aad ayay dhibaato uga jirtaa magaaada. Biyo la’aan iyo raashiin la’aan ayaa ka jirta magaalada, dhowr sano gaari ma soo gelin, waxaana lagu noollaa wax mooto iyo haweenka ay dhabarkooda ku keenaan oo raashiin ah, haddana waxaaba ugu darmatay biyo la’aan iyo barakacayaal ka soo barakacay Tiyeegley iyo Rabdhuure.” Ayuu yiri Sheekh Cali Ibraahim Maxamed.

Sheekh Cali Ibraahim oo BBC la hadlay ayaa yiri “Hadda waxaa ugu daran biyo la’aan iyo raashiin la’aan, weliba biyo la’aantii waxayba saameysay Masaajidda.”

Waxaa uu sheegay in waxa hadda ka cabsanayaan ay tahay, haddii aanay xaaladdu is bedelin illaa bisha soo socoto ee March ay dadku u la’daan haraad.

“Maadaama dadkii ku bateen ceelashii way go’een oo biyo ayaa laga la’yahay, bannaanada ayaa hadda biyaha looga keenaa magaalada.” Ayuu yiri Sheekh Cali Ibraahim oo intaasi ku daray “Waxaa laga yaaban yahay, haddii March la gaaro in oonba loo dhammaan doono.”

Waxa uu sheegay inuusan xaalad ceynkani oo kala ah ebid ku arag Magaalada Xudur, oo 37 sano uu Imaam Masjid ka ahaa.

“Weligay ma arkin arrintan oo kale, 37 sano ayaa Imaam ka ahaa magaalada, biyo la’aan intaan le’eg weligay kuma arkin.” Ayuu yiri Sheekh Cali Ibraahim.

Sheekh Cali Ibraahim ayaa intaasi ku daray “Dhibaatada iyo biyo la’aanta na haysato waxaa sabab u ah dembiga la galay, Ilaahay haloo towbad keeno, isagaa naga bixin karo xaaladdan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com