Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo caawa ku geeriyooday dalka India

Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa caawa ku geeriyooday dalka India, oo dhawaan uu u tegay arrimo caafimaad.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaanka Golaha Wakiilada ka tirsanaa.

“Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsana Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaasi oo hadda la i soo sheegay in uu ku geeriyooday India.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Alle janadii ha geeyo, aamiin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com