Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Kuraastan oo doorashadoodu lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay tirsigoodu kala yihiin #HOP048, #HOP012 iyo #HOP137.
Sida ku cad warqadda ka soo baxday Guddiga Doorashada Galmudug waxaa doorashada kuraastan la qaban doonnaa 25-ka bishan, oo ku beegan maalinta Jimcaha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com