Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ayaa qayb cusub ku soo kordhisay Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho, taasoo ay maanta xarigga ka jartay Wasiirka Caafimaadka, Foosiyo Abiikar Nuur.
Qaybtan oo loogu magac-daray Al-Amal ayaa loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta iyo bukaanada la ildaran nafaqo darrida, waxaana mashruuca lagu dhisay maalgelisay Dowladda Qatar.
Munaasabadda xarigga looga jaray Xarunta Al-Amal ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Qatar ee dalka u joogga, Hassan bin Hamza.
Wasiir Foosiyo iyo Safiirka Qatar ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xaruntan, oo dhismaheeda ay fududeysay Hay’adda Qatar Charity.
Wasiir Foosiyo ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga mahadcelisay dhismaha qaybtan cusub ee lagu soo kordhiyay isbitaalkan, oo ku yaala waddada kala qaybisa Degmooyinka Xamar Weyne & Xamar Jajab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com