Maxamed Ibraahim Macalimuu oo gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Beledweyne.

Afhayeenka oo 16-kii bishii January ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo lagula eegtay Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ka dib arrimo caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Afhayeenka ayaa haatan u tartamaya kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Kursigan ayaa ka mid ah illaa 7 kursi oo 26-ka bishan lagu wado in lagu doorto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

7-da kursi ee maalinta Sabtida lagu dooranayo magaaladaasi ayaa kala ah #HOP003, #HOP006, #HOP022, #HOP031, #HOP032, #HOP068 iyo #HOP252.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com