Rooble oo la kulmay hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay hay’adaha amniga ee dalka iyo Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhinacyadaasi kala hadlay xoojinta amniga dalka, la dagaalanka argagaxisada, dardargelinta sugidda amniga Magaalada Muqdisho iyo adkeynta amniga doorashada.

Shirka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugidda amniga caasimadda oo lagu qaban doono Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyay hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku adkeeyay in la sii wado howlgalada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com