Wasiir Foosiyo oo booqatay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiyo Abiikar Nuur ayaa maanta booqatay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaasoo ay kula kulantay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulanka oo uu ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose Xamar, Maxamed Maxamuud Caddow ayaa looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir, tan iyo markii uu Wasaaradda Caafimaadka kala wareegay maamulka adeegyada caafimaadka ee caasimadda, oo muddo sanad ah laga jooggo.

Qoraal lagu daabacay bogga Maamulka Gobolka Banaadir ee Facebook ayaa lagu sheegay in Duqa Muqdisho uu Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose uu faray in sanadkan ay xoogga saaraan, sidii reer Muqdisho u heli lahaayeen caafimaad wanaagsan oo bilaash ah.

“Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar in sanadkan 2022 ay xoogga saaraan, sidii bulshada caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla-markaana bilaash ah.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com