Golaha Wadatashiga oo waqtiga u kordhiyay Doorashada Golaha Shacabka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa muddada u kordhiyay waqtiga la soo geba-gabeenayo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo ku ekeyd 25-ka bishan.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shir ay muuqaalka foggaan aragga ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Geba-gabadii kulankaasi Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in goluhu isku raacay in doorashadaasi la soo geba-gabeeyo 15-ka bisha soo socoto ee March.

“Waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka aysan ku soo dhammaanin xilligii loo qorsheeyay ee 25-ka February 2022. Golaha ayaa isla qiray in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo Dowlad Goboleedyada saamayn ku yeelatay, xiiso amni oo ka soo kordhay deegaan doorashada qaarkood iyo culeysyo jiray oo la xiriiray dhanka dhaqaalaha loogu talagalay in lagu fuliyo doorashooyinka.” Ayuu yiri Alcadaala.

Waxa kaloo uu yiri “Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu isku raacay in doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeeyo ugu dambayn 15-ka bisha March 2022.”

Alcadaala ayaa tilmaamay in Ra’iisal Wasaaraha oo la tashanaya Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu Magaalada Garbahaarey u diri doono guddi soo qiimeeya xaaladda magaaladaasi, oo ah deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland. Guddigan oo ka kooban Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiyada Doorashooyinka ayaa ka soo tala bixin doona, habka ugu suurtagalsan ee doorashada uga qabsoomi karto magaaladaasi.

Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood ayaa waxaa illaa iyo hadda la doortay 175 xubnood, waxaana weli harsan doorashada 100 kursi oo kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com