Mareykanka oo duqayn la beegsaday Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in iyaga oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Somaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka oo ka dhan ah Al Shabaab, ka dib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwanta ah meel u dhow deegaanka Dudubley, 22-kii bishan.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Taliska AFRICOM.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo Ciidamada Somaliya ee la hawlgala kuwa Mareykanka, sida uu dhigayo oggolaashihii isticmaalka Ciidanka Militariga Mareykanka ee 2001.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaaladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay Al Shabaab, si joogto ah ugu gaysato dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warka.

AFRICOM ayaa sheegtay in Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka, weli ay ka go’an la dagaalanka Al Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com