Wararkii ugu dambeeyay weerarka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa waaberigii hore ee saakay weeraray dalka Ukraine, wax yar uun ka dib, markii Madaxweyne Vladimir Putin uu amray in hawlgalkaasi la qaado.

Dadka reer Ukraine ayaa ku waabariistay duqaymo xoog leh oo cirka kaga soo daadanaya iyo taankiyada Ruushka oo ka soo gudbaya xuduudda waqooyi ee dhinaca Belarus.

Sidoo kale Magaalooyinka Bariga Ukraine dhaca ayaa laga maqlay jug waaweyn, sida Luhansk iyo Kharkiv, colaadana ay ku sii fideyso dhanka bartamaha dalkaasi.

Ciidamada Ruushka ayaa bartilmaameedsanaya Saldhiyada Taliska ee Ciidamada Ukraine iyo Garoomada Diyaaradaha, iyadoo Wasaaradda Gaashaandigga Ruushka ay sheegtay in ciidamadeeda ay burburiyeen illaa 74 xarumood oo ciidamada dalkaasi ay lahaayeen.

Sida uu Ruushku sheegay goobaha la burburiyay waxaa ka mid ah, kow iyo toban garoon diyaaradeed, saddex saldhig oo Taliska Ukraine iyo sideed iyo toban goobood, oo Raadaarada hubka iyo lidka diyaaradaha laga maamulayay.

Warbaahinta Caalamka ayaa qoreysa in Ciidamada Dowladda Belarus ay qayb ka yihiin duulaanka ay Ciidamada Ruushka ku qaadeen dalkaasi, inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta.

Ciidamada Ruushka ayaa gelinkii dambe ee maanta kubaareeyay Magaalada Chernobyl, oo qiyaastii 60meyl u jirta magaalo madaxda dalkaasi ee Kiev. Magaaladan ayaa waxaa ku yaala xarumo lagu keydiyo haraadiga hubka wax gumaada ee Nukliyeer-ka. Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Militariga Ruushka ay la wareegeen Xarunta Chernobyl.

Dowladda Ukraine waxay sheegtay, haddii Ruushka uu waxyeeleeyo qashinka Nukliyeerka uu shucaaciisu dabooli doono Ukraine, Belarus iyo dalal kale oo Midowga Yurub ka tirsan.

Ukraine ayaa sidoo kale dadkeeda ugu baaqday inay duqaymaha ka galaan dhismooyinka shubka adag ka sameysan, waana xilli duulaanka Ruushku uu ku wajahan Caasimadda Kiev.

Kiev iyo magaalooyinka kaleba ee dalkaasi waxaa ka soconaya barakac ballaaran, oo ay sameynayaan dadka dalkaasi, mashquul iyo ciriiri ayaana laga dareemay bankiyada dalkaasi, oo dadku ay kala baxayaan lacagahooda dhigaalka ah.

Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine ayaa saacadihii dambe ee maanta barro amniga lagu xaqiijiyo ka sameystay wadooyinka Magaalada Kiev, halkaasoo aad arkayso, iyagoo su’aalo ku weydiinayo dadka fara ku tiriska ee lugeynaya.

Ukraine waxay maanta soo bandhigtay muuqaalada laba askari, oo sida ay sheegtay ka mid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Ruushka.

Wasiirka Caafimaadka Ukraine, Viktor Liashko ayaa sheegay in 57 qof oo rayid ah ay dagaalka ku dhinteen, halka 169 kalena ay ku dhaawacmeen. Tiradan ayaa ah inta illaa iyo hadda la ogyahay, inkastoo wararku sheegayan in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay.

Hoggaamiye-yaasha Reer Galbeedka waxay sheegeen inaysan marnaba ciidamo u diri doonin dalkaasi Ukraine, balse ay diyaarinayaan qorshe ay cunaqabateyn adag ugu soo rogayaan Moscow.

Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo hadlayna waxa uu Madaxweyne Putin ku eedeeyay in uu xaalad dagaal ku furay Qaaradda Yurub.

Si kastaba ha-ahaatee duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa xaalad hubinti la’aan ah ku keenay dalkaasi, oo muddo dheer ku dhaqmayay nidaamka dimoqraadiyadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com