Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ka dib doorasho lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.
Cabdirisaaq Aadan Warsame ayaa noqday Xildhibaankii 3aad ee maanta lagu doorto hoolka Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.
Cabdirisaaq Aadan Warsame ayaa 92 cod ku hantiyay kursiga #HOP137, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Galmudug.
Maanta oo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeynayo Magaalada Dhuusamreeb ayuu ujeedku yahay in lagu doorto afartii kursi ee ugu dambeysay. Horey waxaa Dhuusamareeb loogu doortay 22 kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com