Kuraastii ugu dambeysay oo maanta lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb

4 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Kuraastan oo tirsigoodu uu kala yahay #HOP012, #HOP137, #HOP048 iyo #HOP071 ayay doorashadoodu ka qabsoomi doontaa hoolka Xarunta Inji.

Kuraastan ayaa noqonaya kuwoodii ugu dambeeyay ee lagu doorto magaaladaasi, oo horey loogu doortay 22 kursi, iyadoona Dhuusamareeb ay yaalleen 26 kursi.

Xubno uu ka mid yahay Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Dhuusamareeb, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada lagu soo geba-gabaynayo magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com