Shan Xildhibaan oo maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga ayaa maanta lagu wadaa inay ka qabsoomto, isla-markaana lagu soo geba-gabeeyo Magaalada Muqdisho.

Shanta kursi ee beelahan ayuu qorshuhu yahay in Jimcaha maanta ah lagu doorto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina), Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa isagoo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb waxa sheegay in doorashada kuraastaasi ay maanta ka qabsoomi doonto Magaalada Muqdisho.

“Waxaan maanta soo geba-gabaynaynaa Doorashada Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga, oo 5 kursi ka kooban.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP266, #HOP105, #HOP034, #HOP265 iyo #HOP084.

Horey waxaa Magaalada Muqdisho loogu doortay 46 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com