Xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale oo dib loogu soo doortay Golaha Shacabka

Xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale ayaa maanta difaacday kursigiisa Golaha Shacabka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Yuusuf Xayle Jimcaale ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP012, kaas oo doorashadiisu ka qabsoomtay hoolka Xarunta Inji.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Yuusuf Xayle uu ku guuleystay codad dhan 93 cod.

Illaa afar kursi ayuu qorshuhu yahay in maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Kuraastan ayaa noqonaya kuwoodii ugu dambeeyay ee lagu doorto magaaladaasi, oo horey loogu doortay 22 kursi, iyadoona Dhuusamareeb ay yaalleen 26 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com