Guddiga Doorashada Hirshabelle oo shaaciyay 11 kursi oo lagu dooranayo Beledweyne

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa maanta soo saaray liiska 11 kursi oo dhawaan lagu dooran doono Magaalada Beledweyne, oo ah deegaan doorashada 2aad ee Hirshabelle.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP004, #HOP010, #HOP011, #HOP019, #HOP030, #HOP039, #HOP058, #HOP059, #HOP063, #HOP066 iyo #HOP135.

Beledweyne oo ay yaallaan 25 kursi ayaa 20-kii bishan lagu doortay 6 kursi, waxaana toddobaadkan lagu wadaa in lagu doorto 7 kursi oo doorashadooda horey loo shaaciyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com