Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta saxiixay 10 hindise sharciyeed, oo dhawaan ay meelmariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka maamulkaasi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa hindise sharciyeedyadan ku saxiixay munaasabad ballaaran, oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Madaxweynaha oo munaasabadaasi ka hadlayay ayaa yiri “Fursad weyn bay noo tahay maanta inaan halkan ku saxiixno shuruuc aad iyo aad muhiim u ah, oo Hay’adaha Dowladda Galmudug ay meelmariyeen, ka soo gudubtay Xukuumadda, Baarlamaankana uu ansaxiyay fadhiyadii uu dambeeyay ee 2021.”
Madaxweynaha ayaa yiri “Shuruucdaasi meelmarintooda iyo ka soo shaqeyntooda waxay u tahay dowladda iyo shacabka Galmudug tallaab horey loo qaaday.”
Sharciyada uu Madaxwaynuhu sixiixay ayaa kala ah:-
1- Sharciga Kalluumaysiga
2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka
3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga
4- Sharciga Shirkadaha
5- Sharciga Nootaayada
6- Sharciga Degmaynta Xeraale
7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka
8- Sharciga Shaqaalaha Guud
9- Sharciga Biyaha
10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com