Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo dalka Ukraine

Ciidamada Militariga Ruushka ayaa maalintii 3aad guluf ballaaran ka wada dalka Ukraine, waxayna isku dayayaan inay hareereeyan Caasimadda Kiev.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay duqaymo xoog leh ka gaysanayaan bartilmaameedyo gaar ah oo ku yaala magaalo madaxda dalkaasi.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay jihada ka weeciyeen qorshihii weerarka Ruushka ee ku wajahnaa Magaalada Kiev, ayna ciidamadoodu iska caabinayaan duulaankaasi.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine ay weli gacanta ku hayaan magaalooyinka ugu muhiimsan dalkaasi, oo ay Kiev ugu horeyso.

Ciidamada Ukraine ayaa fariisimo waaweyn ka sameystay wadooyinka soo gala Kiev, si ay uga hortaggaan Ciidamada Ruushka ee dhanka dhulka kaga soo siqaya.

Bannaanada magaalada ayaa lagu arkaya dad is iskood ah isku xilqaamay, oo ku biiraya safka Ciidamada Ukraine, iyadoo uu yoolkoodu yahay in ay duulaanka Ruushka ka difaacaan magaalada caasimadda ah.

Taliska Ciidamada Ukraine ayaa sheegaya inay ka hortaggeen isku day uu Ruushku ku doonayay in uu ciidamadiisa cirka kaga soo dejiyo Magaalada Kiev, si ay ula wareegaan garoon diyaaradeed oo ku yaala koonfurta magaaladaasi. Taliska ayaa sidoo kale sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaarad weyn oo ciidamo siday.

Madaxweynaha Ukraine ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu ku beeniyay wararka sheegaya in ciidamadiisa uu ku amray inay hubka dhigaan, taasi bedelkeedana waxaa uu ku hanjanay inay dagaalka sii wadi doonaan.

Mar sii horeysay Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Madaxweyne Zelenskyy uu Mareykanku ku gacan-seyray baaqoodii ahaa inay ka soo saaraan Magaalada Kiev. Sida ay Warbaahintu sheegtay Madaxweynaha ayaa Mareykanka weydiistay saanad militari oo dalkiisa uu ku difaaco.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Ukraine, Viktor Liashko ayaa sheegay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay ku dhinteen 198 qof oo reer Ukraine ah.

Illaa boqol kun oo qof oo ka barakacay dagaalka ka socdo dalka Ukraine ayaa la soo sheegaya in ay gaareen dalalka deriska la ah dalkaasi, sida Poland iyo Moldova.

Gaashaanbuurta NATO ayaa ciidamo dheeri ah gaynaysa dalalka dhaca Bariga Yurub, si ay u xoojiyaan ciidamadooda halkaasi ku sugan. NATO waxay sheegtay inaanay marnaba ciidamo u diri doonin dalkaasi Ukraine, balse ay difaaci doonto dalalka xubnaha la ah, haddii la soo weeraro.

Moscow oo diidan in dagaalkaasi uu ku daba dheeraado ayaa isku dayaysa in ay muddo kooban ku soo geba-gabeyso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com