Guddiga Doorashada Puntland ayaa galabta shaaciyay dhammaanba lix iy tobanka kursi, ee lagu wado in lagu doorto Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Boosaaso oo ah deegaan doorashada 2aad ee Puntland ayaa waxaa yaala 16 kursi, waxaana warqadda Guddiga Doorashada lagu sheegay in 5-ta iyo 6-da bisha soo socoto ee March la qaban doono doorashada kuraastaasi.
Kursiga #HOP234 ee Boosaaso lagu dooran doono ayaa ah kursi ay haweenka ku tartami doonaan, waana kursi si gaar ah loogu xiray haweenka.
Illaa iyo hadda tirada guud kuraasta Golaha Shacabka ee la doortay ayaa ah 190 kursi, oo 40 ka mida ay dumar ku soo baxeen.
Maanta oo ugu dambeysay oo 6 kursi ah lagu doortay Magaalada Beledweyne, ma jirin wax dumar ah oo ku soo baxay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com