Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdiga Bankole Adeoye (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Gudoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Somaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawlgalka Midowga Afrika ee dalka iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee gobolka.

Gudoomiye Bankole Adeoye oo uu wehliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyay, isaga oo bogaadiyay horumarka Dowladda Somaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka, amniga dalka iyo la dagaalanka argagixisada.

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku wehliyey Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamuud Cabdi Xasan (Beekoos), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka ee xiriirka la leh arrimaha hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com