Madaxweyne Putin oo ku hanjabay inay la xisaabtamayaan Reer Galbeedka

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ku amray in heegan la geliyo Ciidamada Ruushka ee u tababaran Nuclear-ka, xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda kala dhaxeysa Wadamada Reer Galbeedka, ee ka dhalatay duulaanka dowladdiisa ee Ukraine.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO ku eedeeyay inay sameynayaan sida uu yiri ficilo gardarro ah, ayna dalkiisa ku soo rogayan cunaqabateyn dhaqaale oo aad u adag.

“Sida aad arkaysaan Wadamada Reer Galbeedka, keliya ma sameynayaan ficilo ka dhan ah saaxiibtinimada oo ay la eeganayan dalkayaga iyo dhaqaalihiisaba. Waxa aan ka hadlayo waxa ay tahay cunaqabateynta sharci-darrada ah ee dhan kasta iyo qof kasta oo inaga mid ah lagu soo rogay. Masuuliyiin sarsare oo ka mid ah hoggaanka sare ee NATO ayaa sameynaya ficilo gardarro ah oo liddi ku ah dalkayna.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Si jawaab adag looga bixiyo tallaabooyinka adag ay qaadayaan Reer Galbeedku ayuu Madaxweynuhu ku amray Wasiirkiisa Difaaca iyo Taliyaha Ciidamada in ay qidad ciidan oo gaar ah u dejiyaan ciidankooda, heegana la geliyo istiraatiijiyadda gantaalada ee Moscow.

“Waxaan amrayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida in ay heegan buuxa geliyan nidaamka Nuclear-ka ee Dowladda Ruushka, waajibaadkoodana aad u dirtaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalkayna.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Amarka Madaxweyne Putin ayaa sii hurin kara xiisadda kala dhaxeysa dalalka NATO, isla-markaana uu sare u qaadayo khatarta ah in xiisadahan ay horseedaan isticmaalka iyo adeegsiga hubka wax gumaada ee Nuclear-ka.

Khubarada waxay sheegayaan in dhinacyadu ay fahamsan yihiin halista ay dunida ku keeni karto, haddii la adeegsado hubkan, isla-markaana aanay xilligan ku degdegin doonin isticmaalkiisa.

Khubarada ayaa ku waramaya in Madaxweyne Putin uu ka careysan yahay hubka ay dalalkaasi qaybtood siinayaan Ukraine, si ay isaga caabiso duulaankiisa.

Duulaanka Moscow ay ku qaaday Kiev ayaa maalintii 4aad ka soconayo dalka Ukraine, iyadoo meelaha qaarkoodna ay Ciidamada Ruushka kala kulmayaan iska caabin xoog leh.

Nagala soo xiriir dhacd@gmail.com