Magacyada: 6 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Beledweyne

Illaa 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa maanta lagu doortay Magaalada Beledweyne.

Doorashada oo ahayd mid la isku tanaasulay ayaa xubnaha la doortay waxay dhammaantood ahaayeen rag, iyadoona ay u badan yihiin kuwo dib loogu soo doortay kuraastii ay ku fadhiyeen.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda Somaliya ayaa ka mid ah xubnaha maanta lagu doortay Magaalada Beledweyne.

Xildhibanaada kale ee la doortay ayaa kala ah Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Somaliya, Maxamuud Cabdullaahi Axmed, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, Cismaan Maxamed Cabdi iyo Cabdikariin Caddow Xaydar.

Beledweyne oo ay yaallaan 25 kursi ayaa waxaa illaa iyo hadda lagu doortay 12 kursi, waxaana weli harsan 13 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com