Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo magaalada caasimadda ee Kiev

Ciidamada Ruushka ayaa maalintii 4aad sii wada duulaankooda ka dhanka ah dalka Ukraine, iyadoo uu hawlgalkooduna u muuqdo mid uu gaabis ku yimid, marka loo eeggo labadii cisho ee ugu horeysay, waxaana suurtagal ah in saacadaha soo socdo ay dardargeliyan.

Ciidamada gaarka ah ee Ruushka ayaa haatan xoogga saaraya Magaalada Kiev, si ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaasi, oo diyaaradahoodana ay duqaymo xoog leh ka wadaan.

Ciidamada dhanka dhulka kaga soo siqaya magaaladaasi ayaa weli ka gudbi la’ difaacyada ay Ciidamada Ukraine iyo dadka sida iskood ah isu soo abaabulay ka sameysteen wadooyinka soo gala magaaladaasi, inkastoo ay wa-xoogaa horumar ah ka sameeyeen dhinaca waqooyi ee magaalada.

Wariye-yaasha ayaa soo warinaya in Ciidamada Ruushka ay juhdi badani ku bixinayan, sidii ay uga gudbi lahaayeen xoogaga ku horgudban hareeraha magaalada.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa garaacaya bartilmaameedyo gaar ah oo ku yaala magaaladaasi, si dhabaha loogu xaaro ciidamada dhulka, kuwooda ay caqabadda ka haysato inay galaan magaaladaasi.

Gantaal habow ahaa ayaa mar kale ku dhacay dhisme ay dad rayid ah degan yihiin, waana xilli inta badan dadkii deganaa dhismahaasi ay isaga barakaceen.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa Dowladda Ruushka ku eedeeyay in si arxandarro ah, ay bambaanooyin ula dhaceyso xaafadaha ay rayidku ku badan yihiin.

Marka aad milicsato magaalada waxaa ka muuqanaya burbur xoog leh, oo ka soo gaaray duqaymaha ay ka gaysanayaan Ciidamada Cirka ee Ruushka.

Vitali Klitschko, Duqa Magaalada Kiev ayaa dhankiisa kalsooni ka muujiyay in dadka deegaanka ay difaaci doonaan magaalada, haddii ay go’an yihiin dhammaanba wadooyinka soo gala magaaladaasi, sida uu yiri.

Wararka ayaa sheegaya in Moscow ay ciidamadeeda ku kala sugan Belarus iyo Gobolada Bariga Ukraine ku amartay inay u ruqaansadaan dhinaca Magaalada Kiev.

Muuqaalo ay qaadeen satellite-yada ayaa muujinaya guluf ballaaran oo ku wajahan magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ukraine ay haatan ogolaatay inay wafdi u dirto dalka Belarus, si halkaasi wada hadalo ugula yeelato Dowladda Ruushka, kaas oo ujeedkiisu daaran yahay in la joojiyo dagaalka uu dhiigga badani ku daadanayo.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa la sheegaya in uu aqbalay wada hadalo shuruud la’aan ah oo uu la galo Ruushka, isla-markaana aysan weli jirin goob gaar ah oo la cayimay inay ku kulmaan, marka laga soo taggo inay isugu taggayan dalkaasi.

Gulufka militari ee Ruushka uu ku qaaday dalkaasi ayaa noqday qodobka ugu horreeyo ee Warbaahinta dunida hadalhayso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com