Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay odayaasha soo xulaya ergada 6 kursi

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa caawa shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa lix kursi, oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraastan oo jadwalkooda xalay la shaaciyay ayaa lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP230, #HOP050, #HOP178, #HOP275, #HOP183 iyo #HOP253.

Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood ayaa waxaa illaa iyo hadda la doortay 190 xubnood, kuwaa oo 40 ka mida ay haween yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com