Maamul cusub oo loo magacaabay Magaalada Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo, isaga oo maamul cusub-na Magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu yiri” Markuu arkay baahida loo qabo in Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen loo magacaabo Magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta Gudoomiyaha Gobolka Baay uu sameeyay Wasiirka Magacaabistan.”

Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horey xilkaasi u soo qabtay, halka Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda loo magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali.

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com