Rooble oo caawa qaabilay Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga (SAWIRRO)

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga.

Xildhibaanadan oo shan xubnood ka kooban ayaa maalintii Jimcaha lagu doortay Magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka midana ay haweeney tahay.

Kulanka cashada ayaa sidoo kale lagu soo martiqaaday xubno ka tirsan Guddiyada Doorashooyinka SEIT Banaadiriga, Heer Federaal iyo Xalinta Khilaafaadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com