Rooble oo magacaabay guddi ka warkeena Magaalada Garbahaarey

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta magacaabay guddi soo qiimeeya xaaladda Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Guddigan oo ka kooban Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Xalinta Khilaafaadka iyo kan Jubbaland ayaa ka soo tala bixin doona, habka ugu suurtagalsan ee doorashada uga qabsoomi karto magaaladaasi.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland ayaa waxaa in muddo ahba ka taagnaa cabasho ay Jubbaland ka muujineysay inaanay magaaladaasi ka qaban karin Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, sababo ku aaddan ciidan si toos ah ug amar-qaata Villa Somalia oo ku sugan magaaladaasi.

Guddiga ayay tahay in muddo toddobo cisho ah warbixin ay ugu soo gudbiyaan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com