Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo teleefanka kula hadlay dhiggiisa Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibbadda Shiinaha, Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay qodobo dhowr ah.

“Labada Wasiir waxay hoosta ka xariiqeen in xiriirka Somaliya iyo Shiinaha uu ku dhisan yahay is ixtiraamka madaxbannaanida, madaxbannaanida dhuleed, madaxbannaani siyaasadeed iyo midnimo.” Ayaa lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Warka ayaa lagu yiri “Waxay kaloo xaqiijiyeen inay si wadajir ah uga wada shaqayn doonaan adkaynta iskaashiga dhinacyada badan leh, ee ay mabaadi’daasi ku qotomaan iyo in si wadajira looga hortaggo waxyaabaha carqaladaynaya si loo sii wanaajiyo xiriirka.”

Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ku aaddan qaab dhismeedka hindisaha horumarintiisa, waxaana la isla gartay in kor loo qaado iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo maamulka.

Wasiir Cabdisaciid ayaa Dowladda Shiinaha kaga mahadceliyay gacanta ay ka gaysanayso gurmadka abaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com