Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed (Somali Dialogue Platform).
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshe howleedka guddigan, oo Isniintii uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Gudoomiyaha Guddiga Avv. Cumar Maxamed Cabdulle ayaa Madasha faah faahin ka siiyay qorshe howleedka guddigan oo loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo xaaladda guud ee Garbahaarey iyo sida ay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka uga qabsoomi karto.
Gudoomiye Cabdulle ayaa Madasha ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta qorshe howleedkoodan.
Jubbaland ayaa horey walaac uga muujisay sida ay doorashada uga qaban karto magaaladaasi, bacdamaa ay ku sugan yihiin ciidan si toos ah uga amar-qaata Villa Somalia, waana sababta keentay in guddigan looga dalbado inay soo qiimeeyaan xaaladda magaaladaasi.
Guddigan ayay tahay in muddo toddobo cisho ah warbixin ay ugu soo gudbiyaan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com