Gudoomiye Kuxigeenkii Guddiga Doorashada Puntland oo is casilay

Caynaanshe Yuusuf Xuseen, Gudoomiye Kuxigeenkii Guddiga Doorashada Puntland ayaa maanta sheegay inuu iska casilay xilkaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa BBC u xaqiijiyay inuu xilkaasi iska casilay, balse maanu caddayn sababta uu ku khasabtay inuu is casilo.

Is casilaadiisa ayaa waxay imaanaysaa maalin uun ka dib, markii Guddiga Doorashada Puntland uu shaaciyay 16 kursi oo lagu dooranayo Magaalada Boosaaso.

Boosaaso oo ah deegaan doorashada 2aad ee Puntland ayaa waxaa yaala 16 kursi, kuwaa oo doorashadooda la qaban doono 5-ta iyo 6-da bishan March.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com