Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Taliye-yaasha Ciidamada (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Magaalada Muqdisho iyo sidii loo xoojin lahaa.

“Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobolada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda, oo lagu qabanayo Doorashooyinka Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Waa kulankii labaad oo Ra’iisal Wasaaruhu uu la yeesho dhinacyadan, muddo toddobaad ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com