Shiinaha oo kordhinaya taageeradiisa militari ee Somaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Somaliya, FEI Shengchao.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha amniga iyo taageerada uu Shiinuhu siiyo Ciidanka Xoogga.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa isla gartay in la xoojiyo taageerada Xukuumadda Beijing ee dhinacyada tababarada iyo qalabaynta ee Ciidanka Xoogga.

“Safiirka iyo Taliyaha ayaa isla meel dhigay, sidii loo xoojin lahaa taageerada dhinacyada tababarada iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga, oo uu Shiinaha ka caawiyo Dowladda Somaliya.” Ayaa lagu sheegay warka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com