Wararkii ugu dambeeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine

Duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine oo maalintiisii 6aad galay ayay hadda Ciidamada Ruushku wadaan gulufkii ugu dambeeyay oo ujeedkiisu yahay in ay kula wareegaan Caasimadda Kiev.

Ruushka oo qorshihiisu ahaa in muddo 48 saac gudahood ah uu kula wareego magaaladaasi ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in waxa duulaankiisa dib u dhaca ku keenay uu yahay iska caabinta xoogga leh, ee ay ciidamadiisu kala kulmayaan Militariga Ukraine, shacabka hubka qaatay iyo weliba Madaxweynaha dalkaasi oo diiday in dalka uu isaga baxo.

Dowladda Ukraine waxay bilowgii toddobaadkan sheegtay in duulaanka Ruushka ay ka weeciyeen dhabihii uu ku socday, ayna dalka ka difaaci doonaan waxa ay ugu yeertay cadowga.

Taliska Ciidamada Ruushka oo Axaddii ciidan dheeraad ah ka soo diray dhinaca waqooyi ee xuduudda Ukraine waa Belarus’e ayaa la soo sheegaya in ay kaabiga ku hayaan Magaalada Kiev.

Khubarada waxay sheegayan in duulaanka Ruushka ee dalkaasi uu wax iska bedeli doono maalmaha soo socdo, isla-markaana ay Moscow ka go’an tahay sidii u xaqiijin laheyd gacan ku haynta Kiev, inkastoo uu ka soo horeeyo jid qardo-jeex ah oo dhib badan.

Xoogaga wax iska caabinta oo ku sugan wadooyinka soo gala caasimadda ayaa la is weydiinaya, illaa iyo inta ay difaaci doonaan magaaladaasi.

Saraakiisha Ukraine ayaa Ciidamada Ruushka ku eedeeyay inay Magaalooyinka Kiev iyo Kharkiv ka jareen cunnada, biyaha iyo adeegyadii kale ee aasaasiga u ahaa nolosha.

Ciidamada Ruushka ayaa maanta duqayn lixaad leh ka gaystay magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, iyagoo si isku mida u beegsaday xarumaha dowladda iyo weliba goobaha ay rayidku ku badan yihiin.

Dadka deegaanku waxay sheegayan illaa 16 qof oo u badan haween iyo carruur inay ku dhinteen duqaynta, tobanaan kalena ay ku dhaawacantay.

Dadka ku dhintay duqayntan ugu dambeysay ee maanta ka dhacday Magaalada Kharkiv ayaa waxaa ka mid ah arday u dhashay dalka India, sida ay dowladda dalkaasi xaqiijisay.

Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Yurub ayaa sheegay in dalkiisu uu u dagaalamayo xorriyad, dagaal nafhurnimo ahna ay dadkiisu kula jiraan Ruushka.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada Ruushka ku eedeeyay inay gelayaan dembiyo dagaal, ka dib markii sida uu sheegay gantaalo ay ku garaaceen Bartamaha Magaalada Kharkiv inay ku dhinteen dad rayid ah.

Madaxweynaha ayaa shacabkiisa ku ammaanay inaysan isku dhiibin Ruushka oo dagaal adag ay kala hortaggeen, isagoona Madaxda Midowga Yurub weydiistay inay dowladdiisa siiyaan taageero buuxda, ayna u ogolaadaan inay xubin ka noqoto Midowga Yurub.

“Waxaan aaminsanahay in aan maanta qof kasta tusnay waxa aan nahay, haddii aan ku soo biirno Midowga Yurub waxa uu noqon doonnaa mid aad u xoog badan, taasina waa hubaal. Marka waa inaad caddeysaan inaad nala jirtaan, oo aaddan garabkayaga ka bixi doonin.” Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegtay in colaadda dalka Ukraine ay ka carareen in ka badan lix boqol iyo lixdan kun (660,000) oo qof. Dadkan oo qaxooti ku ah dalalka deriska ayaa u badan haween iyo carruur.

Si kastaba ha-ahaatee duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa kala qaybiyay hoggaamiye-yaasha dunida, oo la kala safanaya NATO iyo Moscow, waxaana jira kuwo kale oo ka gaabsanaya inay cambaareeyan duulaankaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com